Faahfaahin kasoo baxaysa diyaarad ku dhacday Shabeelada hoose

Faahfaahin kasoo baxaysa diyaarad ku dhacday Shabeelada hoose

Wararka laga helayo gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya diyaarad nooca xamuulka qaada inay ku dhacday deegaanka Wanwalwayn ee gobolkaasi.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay diyaaradda inay ku dhacday xeradii hore ee ciidamada kumaandooska Soomaaliyeed ee Kaba-hirig.

Wararka ayaa sheegaya diyaaradda inay u dhacday xamuul badan oo saarnaa, maamulka gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya saraakiil katirsan Mareykanka iyo booliska Soomaaliya ay kala kaashan doonaan xogta kusaabsan diyaaraddan soo dhacday.

Lama sheegin khasaare kadhashay iyo waxa uu ahaa culayska diyaaraddu ay waday, iyadoona dadka deegaanku ay walaac ku abuurtay kadib markii la arkay diyaaradda oo joog hoose ku duulaysa.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com