Site icon Radio Daljir

Faahfaahin: Duqeyn ka dhacday deegaano katirsan degmada Caabudwaaq

Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa duqaymo xoogan ka geysteen degaano hoostaga Degmadda Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Diyaaradaha oo joog hoose ku socday ayaa duqeeyay degaannada kala ah, Warbeele. buralaha samaroole iyo golgola Cali, halkaas oo ay kunool yihiin dad Xoolo dhaqato ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro naf iyo maalba leh, balse aan faah faahin buuxa laga bixinkarin inta ay la egtahay.
Shacabka kunool degaannada duqeyntu ay ka dhacday ay bilaabeen inay ka barakacaan, kuwaas oo ka cabsi qabeen inay waxyeelo kasoo gaarto duqeynta.

Majirto ilaa iyo haatan wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Ceelwaaq iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland, balse dadka degaanka ayaa ku waramay in degaannada la duqeeyay aysan ku sugneyn Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Back to Home page