Faahfaahin Dilka Wasiir Cabaas Siraaji iyo Taariikh Kooban (Khudbadiisii TEDx 2017)

Faahfaahin Dilka Wasiir Cabaas Siraaji iyo Taariikh Kooban (Khudbadiisii TEDx 2017)

Muqdisho – Alle ha u naxariistee caawa magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay wasiirkii hawlaha guud ee dawladda federaalka ee Soomaaliya Cabbaas Siraaji, kaasoo ka mid ahaa golihii xukuumadeed ee bishii Maarso uu soo dhisay Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Dilka wasiir ayaa dhacay xilli u marayey mid ka mid ah waddooyinka ammaankooda aad loo illaaliyo ee magaalada Muqdisho, waxaana la tilmaamayaa in ay toogteen ciidan isla dawladda federaalka ah oo illaalinayey masuul isla dawladda ka tirsan.

Inkastoo aan weli dawladda federaalku si rasmi ah uga hadlin dilka iyo siduu u dhacay, misna ila wareeddo kale duwan ayaa Radio Daljir u xaqiijiyey rasaasta sababtay geerida wasiirka hawlaha guud Cabbaas Siraaji in ay rideen ciidan illaalo ah oo isla dawladda ah, kuwaasi oo ka shakiyey gaariga wasiirku saarnaa, kadibna rasaas oodda uga qaaday.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa ciidankaasi dawladeed ee riday rasaasta wasiirku uu ku dhintay in aysan fadhiyin goob koontarool ah ee ay gaari kale saarnaayeen, isku waddana ay hayeen gaariga la toogtay ee wasiirku dhintay.

Wasiir la dilay ee hawlaha guud Cabbaas Siraaji, ayaa ahaa wasiirka ugu da’da yar golaha wasiirada ee dawladda federaalka ee haatan jira, waxaana uu ka mid ahaa wasiirrada ka soo jeeda gobollada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Wasiir Siraaji oo ku dhashay kuna barbaaray xerada qaxootiga ee Dhadhaab, waana xerada qaxootiga ee ugu weyn adduunka, kulmisayna qaxooti badan oo daafaha Afrika ka kala yimid. Muuqaalka hoose arag iyo khudbaddii Siraaji ee TEDx Mogadishu 2017, uuna si kooban uga sheekaynayo taariikh nololeedkiisa.

Alle ha u naxariisto Cabaas Siraaji.

https://youtu.be/0vQvGgDo87w

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com