Site icon Radio Daljir

Faah-Faahin:Wada-Hadalkii Madaxweynaha iyo Bulshada Puntland

Isniin, December 28, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta kulan wada tashi la qaatay qaar kamdi ah bulshada Ra’yid ka ah.

Kulanka oo Warbaahintu banaanka ka joogtay ayaa la sheegay in Bulshadu Ra’yid ah su’aalo ka waydiinayeen Madaxweynaha kusaabsana doorashada 2016, Shirkii Xamar iyo arimaha Soomaaliya.

Markuu soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka Deegaanka Puntland Cali Cabdulaahi Ciise oo xubin ka ahaa guddi Puntland uxil saartay soo ururinta fikirka shacabka ee doorashada 2016, ayaa faah faahiyey waxyaabihii kulanka looga hadlayey,waxaa uu sheegay in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa qaarkamid ah golayaasha dowaldda iyo Bulshada Ra’yidka ah ay xog iswaydaar sanayeen ku saabsanayd inay ku adkaystaan Nidaamka deegaanka.

Waxaa uu sheegay madaxweynuhu inuu warbxiin guud uu siiyey kasoo qayb galayaasha kulanka,isagoo tilmaamay in laysku waafaqay in shacabka Puntland ku adkaystaan in doorashada lagu saleeyo hab deegaan.

 

Daljir.com

Exit mobile version