Faahfaahin qaraxyo iyo weeraro khasaare geeystay oo ka dhacay Muqdisho

Faahfaahin qaraxyo iyo weeraro khasaare geeystay oo ka dhacay Muqdisho

Faah faahin dheeri ayaa kaso baxaya Qaraxyo iyo weraar toos ah oo ay qadeen Kooxda Alshabaab Qaraxyadaan oo ahaa Gawaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey, ayaa ku kala qarxay Goob gawaarida la dhigto oo ku taalla Hoteel Doorbin (Ex Bar Fiat) oo aanan sidaa ugu fogeyn Isgoyska Jubba, Qaraxa labaad ayaa ka dhacay Agagaarka Taalada Dhagaxtuur oo kasoo horjeedda Dhismaha Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Qaraxa ka dhacay (Kiilo-Mitir Eber) ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxayna saraakiisha Caafimaadka sheegeen in ay ku dhinteen ku dhawaad 18 qof, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Gaadiidka Gurmadka Deg dega ayaa goobaha Caafimaadka geeyay dadka waxyeeladu gaartay si Xaaladooda Caafimaad loola tacaalo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkaasi, waxayna sheegeen in dagaal yahano katirsan ay wali ku sugan yihiin inta dhaxeyso Sayidka iyo Guriga Habar Khadiijo oo uu ka dhacay Qaraxa 1-aad.

dhanka kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya CabdiCasiis Xildhibaan ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay soo gaba-gabeeyeen Howlgalka ka dhanka ahaa kooxdii weerarka qaaday, waxa uuna sheegay in ay toogteen 5 kamid ah kooxdaasi.

Xiligan Waxaa adag in la helo Xog rasmi ah oo la xiriirta Khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ee ka dhashay Qaraxyada iyo israsaaseentii Xigtay, waxayna Wararku sheegayaan in Gaadiidka Gurmadka ay ku adkaatay qaadista dadka ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Taalada Dhagaxtuur iyo goobaha ka agdhaw ee rasaastu waxyeeleysay.

Wixii kuso kordha lasoco insha allah

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com