FAAH-FAAHIN: ku Saabsan Munaasabaddii xarig Jarka Garoonka Diyaaradaha ee Bosaaso

Jimco, Janaayo 08, 2016 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey  iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Xamed Cali Xaashi ayaa maanta 08-Jan-2016 Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradah ee Boosaaso kaga qayb galay munaasibad ballaaran oo lagu maamuusayey furitaanka Garoonka Diyaaradaha oo maanta xadhigga laga jaray.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheekh maxamed Maxamuud, Ra’iisul-wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Xubnaha labada gole ee Dawladda Federaalka iyo Dawladda Puntland, Siyaasiyiin Saraakiil ciidan iyo Isimo soomaaliyeed uu kamid yahay Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Dhammaan kasoo qayb galayaashii munaasabadda ayaa dawladda Puntland ku ammaanay sida wanaagsan ee ay u fuliyeen mashariicdan uu kamid yahay garoonka diyaaradaha Boosaaso taasoo markhaati u noqon doonta In Puntland ay diyaar u tahay inay ula tartanto waddamada hore u maray.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey dhammaan kasoo qayb galayaasha munaasabadda gaar ahaan Madaxda Dawladda Federaalka iyo Safiirada waddamada Talyaaniga iyo Shiinaha oo la aantood aanu hirgaleen mashruucaasi iyo shirkaddi dhistay garoonka diyaaradaha ee CCECC oo si hagar la’aan ah hawshii loo igmaday u fulisey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Garoonkan ku tilmaamay mid guul u ah dhammaan ummadda soomaaliyeed isla markaasna ay Reer  Puntland uga kaaftoomi doonaan caqabado badan oo kahaystay xiriirada ganacsi iyo kan bulsho ee  ay laleedahay waddamada dibbadda gaar ahaan waddama Carabta iyo Africa  oo Punland uu kala dhexeeyo xiriir ganacsi oo taariikhi ah iyo waddamada kale ee dibadda kuwaas oo ay ku kala  nool yihiin dadka reer Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale xusay in markab kii sidey qalbkii lagu ballaarin lahaa Dekedda Boosaaso uu todobaadkan gudihiisa imaan doono taasin ay xaqiijinayso sida uu u dhaboobey ballanqaadkii dawladdiisa ee salka ku hayey dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa geestiisa u hambalyeeyey Shacabka reer Puntland Horumarka baaxadda leh ee ay ku tallaabsadeen isagoona mashruucan ku tilmaamay guul usoo hoyatey guud ahaan shacabka soomaaliyee.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa sidoo kale Dawladda Puntland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali sida uu xoogga u saarayo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland waxaana uu intaasi raaciyey in dawladda Federaalka Soomaliya ay garab taagan tahay Puntland isla markaasna uu rajaynayo inay kaqayb qaataan wejiga labaad ee Garoonka.

Geba-gebadii Madaxweynaha Dawladda Puntland, Madaxweynaha Dawladda Federaalka iyo Labada Safiir ee Talyaaniga iyo Shiinaha ayaa si wada jir ah xarigga uga jaray garoonka.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com