Faah faahin: Duqeyn ka dhacday gobolka Bari oo lagu dilay xubno katirsan Al-shabaab

Faah faahin: Duqeyn ka dhacday gobolka Bari oo lagu dilay xubno katirsan Al-shabaab

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee ciidamada AFRICOM ayaa lagu sheegay in 3 xubnood oo Shabaab ah lagu dilay weerarkan ka dhacay buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Duqeyntan ayaa noqoneysa tii 6aad ee Mareykanka ka fuliyo buuraha Golis, tan iyo markii uu bilaabay howlgalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish.

24-ki bishan May Mareykanka waxa uu duqeyn ku dilay Saddex Shabaab ah, halka 22-kii May uu dilay Laba Shabaab ah, isla 22-kii May wuxuu sidoo kale duqeyn ku dilay laba Daacish ah, 9-kii May wuxuu kaloo Mareykanka dilay Afar Daacish ah, halka 8-dii May oo uu fuliyay Duqeyntii u horeysay ee bishan uu ku dilay 13 Daacish ah.

Diiwaanka warka radio Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com