Faah Faahin: Dagaal Bariga Gobalka Mudug ku Dhexmaray Reer Guura Puntland & Galmudug

Faah Faahin: Dagaal Bariga Gobalka Mudug ku Dhexmaray Reer Guura Puntland & Galmudug

inta la xaqiijiyeey 6 qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay kadib dagaal maanta dhexmaray maleeshiyaad ka kala tirsan Maamuladda Puntland iyo Galmudug degaanka Godod ee Bariga Gobalka Mudug ee Puntland, kadib markii la sheegay inay weraar soo qadeen Maleeshiyaad katirsan Galmudug.

Cisbitaalka Guud ee magaaladda Gaalkacyo ayaa la geyeey 6 qof oo shacab ah oo dhinaca Puntland ah, iyado dhinaca kalena an la ogayn khasaaraha ka soo gaaray dagaalkaas.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay oo labada dhinac ah ,waxaana horey sidan oo kale dagaalo noocan oo kale ah uga dhaceen Godod,kuwaas oo dad shacab ah ku dhaawacmeen.

Daljir Radio oo Xiriiro kala duwan la samaysay dhinacyada Galmudug iyo Puntland ayaa nosuurta galin ilaa iyo hadda inaan helo masuul ka hadlay dagaalkaas.

Wixii kuso kordha Daljir kala soco.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com