HomeUncategorized

FAAH-FAAHIN: 10- kamid ah Askarta Punltand oo Shil Gaari ku Geeriyooday

Axad, Juun 21, 2015 (Daljir)_ Ugu yaraan toban askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday shil gaari oo maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Tukaraq oo ku dhow degmada Garowe,iyadoo shilkan uu yimid ka dib markii gaariga uu ka baxay wadada laamiga ah.

Kooxda Kubadda Cagta Barcelona oo u soo baxday Finalka Koobka Horyaallada Yurub
WAR-MURTIYEED: Mowqifka Puntland ee shirka wada-tashiga doorashooyinka Soomaaliya
Bannaanbax looga soo horjeedo burcad badeeda iyo baarashada khayraadka badda iyo berriga ee xeebaha Somaliya oo ka dhacay Galkacyo.

Axad, Juun 21, 2015 (Daljir)_ Ugu yaraan toban askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday shil gaari oo maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Tukaraq oo ku dhow degmada Garowe,iyadoo shilkan uu yimid ka dib markii gaariga uu ka baxay wadada laamiga ah.

Gaarigan oo ah nooca ciidamada ay isticmalaan ayaa ku sii jeeday deegaanka Tukaraq oo fariisin u ah ciidamada Puntland ,waxaana warar hoose ay sheegayaan in ciidankan loo diray howl-gal dhanka xuduudda ah.

Isbitaalka ayaa la keenay lix dhimasho ah iyo dhaawac ka badan 15- ,iyadoo qaar kamid ah dhaawacyada ay ku geeriyoodeen gudaha isbitaalka ,waxaana askarta dhaawacantay u gurmaday ciidamo ka tirsan Puntland.

 “Ma hubno sababta ka danbaysa guddoonka gaariga ,balse waxey u badan-tahay in uu ka dhashay xawaaraha gaariga uu ku socday“ ayuu yiri goob-jooge lagu magacaabo Cabduqaadir oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Agaasimaha guud ee cisbitalka Garowe Cabdisamad ayaa sheegay in isbitaalka gudihiisa ay ku geeriyoodeen lix askari ,kuwaasi oo markii hore isbtaalka la keenay iyaga dhaawac ah ,waxaana uu sheegay in hadda ay la tacaalayaan dhaawacyada kale.

Ugu danbayn,madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta duhurkii booqday dhaawacyada askartii ku waxyeeloowday shilkan gaari,waxaana uu u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

By: Faysal Mohamed Hassan

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: