Ethiopia oo taangiyo ku weeraraysa magaalada Mekelle

Ethiopia oo taangiyo ku weeraraysa  magaalada Mekelle

Afhayeen uhadlay militariga Itoobiya ayaa u sheegay warbaahinta dowladdu leedahay ee EBC Colonel Dejene Tsegaye in qeybaha xiga oo ah kuwa ugu muhiimsan ee hawlgalka ciidamada u yahay weerarka Taangiyada, oo ah in la hareereeyo Mekelle iyada oo la adeegsanayo taangiyada, si loo dhammeeyo dagaalka aagga buuraleyda ah looguna sii gudbo aagagga difaaca.

Macluumaadka ku saabsan dagaalka ayaa ah mid si aad ah u xadidan, iyadoo sheegashooyinka dhinacyada oo dhan ay adag tahay in la xaqiijiyo sababtoo ah xiriirkii taleefannada iyo internet-ka ee gobolka ayaa go’an tan iyo markii ay colaaddu bilaabatay.

Labada dhinacba waxa ay sheegeen in ciidamada federaalku ay qabsadeen Adigrat, oo 116 km dhanka waqooyiga ka xigta Mekelle.

Dejene ayaa sheegay in dadka shacabka ah ee magaalada Mekelle oo ay ku nool yihiin nus malyan qof ay tahay in ay ka feejignaadaan halista.

“Illaa iyo iminka, waxa aan kaliya weerareynay bartilmaameedyada jabhadda saldhigyada u ah, laakiin marka laga hadlayo Mekelle way ka duwanaan kartaa taas,” ayuu yiri.

Ciidamada TPLF ayaan ka jawaabin hadalkan ka soo yeeray militariga Ethiopia.
Kumanaan ruux ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhinteen dagaalka u dhexeeya ciidamada milatariga Ethiopia iyo jabhadda Tigreega.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com