Ethiopia oo dhaqaale xumo awgeed u xireysa 30 safaaradood

Ethiopia oo dhaqaale xumo awgeed u xireysa 30 safaaradood

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in safaaraddo badan oo ay dowladiisu ku lahayd dalalka dibadda la xiri doono dhawaan.

Abiy Ahmed ayaa ka sheegay maanta Baarlamaanka Itoobiya in dowladda la dhisi doono sanadka danbe ee bisha September, ay xiri doonta in ka badan soddon safaaradood.

Dhinaca kale isagoo ka hadlayay sababta uu ciidamada ugaga soo saaray gobolka Tigray ayuu ku sheegay iinuu ahaa mid sax ah oo loo aynayo.

Shirka maanta ayaa bilawdey, ka gadaal markii xubnaha baarlamaanka ay u sacabatumeen muddo gaaraysa illaa iyo daqiiqad, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan ciidamada Itoobiya.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ka jawaabey su’aalo la xiriira xaaladaha haatan taagan iyo dhaqaalaha. Su’aal ku saabsaneyd biyo xireenka, ayuu tilmaamey Abiy Ahmed iney ugga dan leeyihiin geedi dalkiisa uu uggu jiro dhanka iyo horumarka.

Wuxuu carabka ku adkeeyey in dalalka kale ay tahay iney fahmaan qorshaha horumarka ee dalkiisa, taasoo aan caqabad ku aheyn biyaha dalalka kale ee Sudan iyo Masar.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com