Eritrea oo la sheegayo inay diyaarado hub sida ka dajisay magaalada Baydhabo.

Baydhabo, Nov, 02 – Sida uu sheegay sarkaal u hadlay dawladda Kenya oo dhawaan ciidamo geysay koonfurta Soomaliya waxaa magaalada Baydhabo ka degay labo diyaaradood oo hub u sida ururka Al-shabaab, kuwaas oo ay soo dirtay dawaladda Eritrea.

Afhayeenka u hadlay dawladda Kenya ayaa sheegaya in ciidamadooda jooga gobollada Jubbooyinka ay qorsheynayaan sidii ay isu hortaagi lahaayeen in hubkaasi uu gacanta u galo Al-shabaab, waxayna dawladda Kenya dadka shacabka ah uga digeysaa inay ka fogaadaan 10 magaalo oo ku yaalla gobolkaasi kuwaas oo la filayo in ciidamada Kenya ay weerarro cirka ah ku qaadaan.

Dawladda Eritrea ayaa si kulul u beenisay wararkaasi mana jiraan ilo madaxbanaan oo warkaasi xaqiijinaya. Waxaa aad u yar xogta madaxa bannaan ee la helayo iyo waxa ka socda gobolka J. hoose, waxaana soo baxa warar is khilaafsan oo ay dhinacyadu kale sheeganayaan.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa maanta sheegay inay dileen 7 ka tirsan ciidamada Kenya ayna gubeen labo gaari ka dib weerar gaadmo ah oo ay shalay galab ku qaadeen ciidamada Kenya ee jooga gobolka J.hoose, taas baddalkeedana dawladda Federalka ayaa sheegtay in la dilay 37 ka tirsan ciidanka Shabaabka.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dawladda Kenya ay diyaarinayso weerar cir iyo dhul ah oo ay ku qaaddo goobaha ay Shabaabku joogaan ee gobolka, waxaana isasa soo taraya walaaca laga qabo waxa ku dhici kara dadka rayidka ah ee goobahaasi ku nool.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com