Wacaal Daray ah: Eric Prince iyo Shirkaddiisa FSG oo Heshiis la Saxiixday Koonfur Galbeed

Wacaal Daray ah: Eric Prince iyo Shirkaddiisa FSG oo Heshiis la Saxiixday Koonfur Galbeed

Frontier Services Group (FSG), kambani ka farcamay shirkaddii Maraykanka ee Blackwater, kal horena laga xanibay hawlaha ammaanka adduunka, uuna lahaa Eric Prince, ayaa asbuucaan heshiis hawlaha “ammaanka” la saxiixatay Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

War Saxaafadeed laga soo xigtay Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh wuxuu ku yiri, “heshiisku wuxuu qayb ka yahay heshiisyada Koonfur Galbeed ay ku soo jiidanayso maalgashiyo caalami ah.”

War saxaafadeedka FSG waxaa lagu sheegay in “mashruucu yahay mid abaabulan oo cir-dhul-bad iyo dhanka ammaankaba ka hawlgeli doona.”

Mulkiile Eric Prince wuxuu ka mid ahaan jiray ciidamada “bad-birri” ee loo yaqaan “seals” ee aad u tababaran, kambanigiisii hore ee Blackwater wuxuu ku fashilmay hawlgaladii maraykunku ku weeraray dalka Ciraaq.

Eric Prince hadda waxaa lagu tuhmaa in ciidan aad u tababaran oo gooni loo leeyahay uu tababaro ciidamada dawladda Imaaraadka, gacan weyna ku leeyahay arrimaha ammaanka iyo ciidamada ee dawladda Imaaraadka.

Eric Prince ayaa sidoo kale lagu tuhmaa in uu ku lugleeyahay siyaasadda arrimaha dibadda iyo tan ammaanka ee Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump. Eric waxay walaalo yihiin Betsy DeVos, Wasiirka Tacliinta ee Dawladda Maraykanka, waxaana lagu tirayaa dadka aad ugu dhow Stephen K. Bannon, lataliyaha sare ee Trump.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com