Ergooyin dhowaan tegey Garoowe oo baaq soo saaray ( Akhriso).

Garoowe, Dec 25, Ergooyin dhowaan tegey Garoowe, kuwaasoo Dawlada Puntland ka hor istaagtey inay halkaasi wax shir ah ku qabtaan ayaa soo saaray bayaan ay kawaga warbixiyeen shirkooda ay halkaasi u tageen ee loo diiday qabsoomidiisa.

?

Baqaankuna wuxuu u qoraa sidan hoose.

?

BAAQ AY WADAQJIR U SOO SAAREEN ERGOOYIN PUNTLAND

?

Sida aad la socotaan odayaasha dhaqanka, culaamudiinka, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo mudo shirar uga socdeen degaamada Puntland ayna kaga tashanayeen midnimada iyo badbaadinta Puntland ayaa u soo diray caasimada Garoowe ergooyin matalaya gobolada Puntland oo loo xilsaaray inay u gogol-xaaraan shir wada-tashi oo lagu badbaadinayo Puntland.

Ergooyinku markay tageen Goroowe waxaa shir ugu yeeray maamulka gobolka Nugaal maalinimadii Sabtida laguna qabtay xarunta gobolka Nugaal, shirkaasi oo ay ka hadleen gudoomiyaha iyo duqa magaaladu, waxayna ergada u aqoonsadeen inay yihiin odayaashii, waxgaradkii iyo aqoonyahanadii deegaamadii ergooyinkaasi ka yimaadeen, sidaas daraadeed waxay codsadeen in ergooyinku la socodsiiyaan shirarka iyo ciddii kale ay u baahan yihiin inay la kulmaan shacab ama dowlad, waxayna balanqaadeen inay u fududeeynayaan wixii tansiilaad ah oo loo baahdo ergooyinkiina waa aqbaleen waana ka mahadceliyeen wada shaqeyta maamulka iyo ergooyinka.

Nasiib-daro!!! waxaa gudoomiyaha gobolku warbaahinta ka siidaayey hadal aan abbaar u hayn in lagu tilmaamo ergo ka kooban odayaal, culumo iyo aqoonyahano ka socda deegaamada Puntland, waxaana ku xigtay in ergadii lagu bilaabay xabsi, gacan-qaad, looguna hanjabey in magaalada Garoowe isaga baxaan kuna noqdaan guryahoodi.

Talo soo jeedin

Annagoo ah ergada ku sugan magaalada Garoowe waxaan ka codsaneynaa dhamaan isimada Puntland oo bud-dhigaha u ahaa dhismaha dowladda Puntland inay isugu yimaadaan shir degdeg ah si looga hortago xaaladaha khatarta ah eeku soo wajahan Puntland.

Waxaan u soo jeedineynaa maamulka Puntland inay si shuruud la?aan ah u soo daayaan nabad-doonada iyo aqoonyahanada sida xaq darada ah ugu xiran, isla markaasna ay joojiyaan hab-dhaqanka iyo ficillada aan munaasibka u ahayn ergada iyo dhamaan shacabka kale ee aan waxba galabsan.

Waxaan maamulka Puntland u soo jeedinaynaa in aanay mudgi ku ridin masiirka umadda ee ay ogolaadaan wax kasta oo xal lagu gaari karo.

Waxay ergadu shacalka Puntland ee qiimaha badan u soo jeedinaysaa inay dhowraan amniga iyo kala-danbeynta, walaalnimada iyo wada-deganaanshaha, meelna uga soo wada jeensadaan cid kastoo lidi ku ah nabaddooda iyo wajirkooda.

?

Ergada Gobolka Bari

1.??? Inj. Cabdicaziz Boqor Muse

2.??? Samadoon Maxamud Xasan Diric

3.??? Siyaasi Cabdullahi Maxamed Barre

4.??? Nabadoon Axmed Siciid Firdhiye

5.??? Nabadoon Maxamed Aden Yusuf

6.??? Nabadoon Siciid Haji Ciise

7.??? Nabadoon Sahal Cabdisalan Yusuf

8.??? Nabadoon Haji Siciid Islan

9.??? Amir Cali Farax Xirsi

10. Nabadoon Cabdi Maxamud Ugas

11. Siyaasi Cabdikarim Salax Cabdi

12. Nabadoon Cabdi Buraale

13. Nabadoon Maxamed Maax Colow

14. Nabadoon Siciid Ciise Hindi

15. Nabadoon Nuur Farax Faqey

16. Nabadoon Cali Aden Ciise

17. Nabadoon Siciid Cisman Wexrax

18. Nabadoon Cisman Maxamed Maxamud

19. Nabadoon Ladane Nuur Xasan

20. Nabdoon Cumar Nuur Cisman

?

Ergada gobolka mudug

1.??? Dr. Abdulqadir Shoole???????????????????????????????????????????????????????

2.??? Nabadoon Maxamud Qordheeer

3.??? Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Muuse (Kadiido)

4.??? Nabadoon Cabdi Saciid Warsame

5.??? Nabadoon Cabdiqani Maxamed (baalle)

6.??? Nabadoon Cabdirashiid Mursal Faarax

7.??? Nabadoon Cabdullahi Xasan Joorje

8.??? Nabadoon Feysal Sahal Shuceyb

9.??? Ing. Cabdirisaaq Burgal Xaaji

10. Axmed Cumar Cali(qurbajoog)

11. Siyaasi Axmed Khaliif

?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com