Ergo ka socota degmadda Cadaado oo dhusamareeb gaaray (Daawo)

Ergo ka socota degmadda Cadaado oo dhusamareeb gaaray (Daawo)

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo odayaasha dhaqanka Dhuusamareeb ayaa ah garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur si heer sare ah ugu soo dhaweeyay ergada ka socota degmada Cadaado ee ka qayb gelaya shirka dhawaan ka furmaya magaala madaxda Galmudug.

Ugaas Cabdi daahir Ugaas Nuur oo qayb ka ahaa mas’uuliyiintii soo dhaweysay ergada ayaa sheegay in guddiga iyo dhammaan bulshada Galmudug ay aad u sugayeen reer Cadaado, ayna ku faraxsanyihiin imaanshiyahooda.

Ambasador Cabdi xaaji Liibaan (Dhabanacad) oo xubin ka ah guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta ayaa isna caddeeyay in guddigu ay ku faraxsanyihiin imaanshiha ergada Cadaado, waxa uuna sidoo kale ergadii horey u joogtay uga mahad celiyay dul qaadka ay sameeyeen intii la sugayay soo dhameystirka ergada oo dhan.

Imaam Cumar Macallim Abshir oo kamid ah odayaasha hoggaaminayay ergada ayaa ra’iiusul Wasaaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre uga mahad celiyay dadaalladiisa guuleystay ee dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-dhiska Galmudug.

Ergada Cadaado ka socota ayaa aheyd qaybtii ugu dambeysay ee ergooyinka ka qayb gelaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ee dhawaaan ka furmaya magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug, kaas oo looug diyaar garoobayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo ka shaqeysa danaha dhamaan reer Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com