Site icon Radio Daljir

Ergayga QM ee Soomaaliya oo dhexdhexaadinaya madaxda dowladda faderaalka iyo dowlad goboleedyada

Ergayga Gaarka ah QM ee arrimaha Soomaaliya Nicolas Haysom ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda maamulka Galmudug, si’uu qayb uga qaato dhexdhexaadinta dowladda faderaalka iyo dowlad goboleedyada oo khilaaf uu ka dhaxeeyo.

Haysom ayaa kula kulmaya magaalada Gaalkacyo madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo madaxa golaha xukuumadda sheekh Axmed Shaakir.

Kulanka ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro dhexdhexaadinta madaxda Galmudug iyo dowladda faderaalka Soomaaliya.

Khilaafka ayaa keenay inuu hakad ku yimaado wada shaqayntii dowladda faderaalka iyo dowlad goboleedyada, kaasi oo sooo biloway khilaafkii isbahaysiga Khaliijka.

Haysom ayaa horay ula soo kulmay madaxwaynayaasha Puntland, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Somaliland.

 

 

Exit mobile version