Ergada ka qayb Geleysa Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo Gaaray Dhuusamareeb

Qaar kamid ah ergada ka qayb geleysa shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xaunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha iyo madaxa fulinta Galmudug ayaa magaalada kusoo dhaweeyay ergada oo Dhuusamareeb ku yimid safarro hawada iyo dhulka ah.

Ergada ayaa geeyay deegaan horay loogu sii diyaariyay in ay deganaadaan inta uu socdo shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug ee loogu gogol xaaryo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com