Eng. Camey oo Sheegay in xal laga gaaray muran xuduudda ah oo u dhaxeeyay Puntland iyo Itoobiya

Somalia, December 23, 2015-(Daljir)_Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa maanta dib ugu laabtay magalo madaxda Garowe ka dib safar maalmo qaatay oo uu ku aaday isaga iyo wafdi uu horkacayo degmada Buuhoodle ee xarunta Gobalka Cayn.

Camay oo warfidiyeenka kula hadlay Garowe ayaa sheegay socdaalkiisa Buuhoodle inuu salka ku hayay geerida hooyadiisa ku timi iyo xalinta arrimo xiisad kicin karey oo ka dhacay dhanka xaduudaha Puntland iyo Itoobiya.

Madaxwayne ku xigeenka oo safarkiisa Buuhoodle qayb ka ahaa qunsulka Itoobiya Puntland u fadhiya ayaa sheegay inay u guur galeen xiisada ka dhalatay xaduudaha Puntland iyo Itoobiya, iyadoona dadka deegaanka cabasho ka muujiyeen in Itoobiya ay kusoo durugtey dhul ay Puntland lee dahay, wuxuan sheegay in arrintaasi xal loo halay.

Inta uu ku sugnaa Camay Buuhoodle waxa uu booqday xarumaha dowladda, iyo kuwa waxbarashada, sidoo kale waxa uu soo dhagax dhigay xabsi gobalka uu yeelan doono.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com