Eng.Camey oo Maanta Furay Machadka Daraasaadka iyo Sahanka ee Hayaan

Isniin, Juun 08, 2015 (Daljir) — Madaxweyne kux xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 08-06-2015 ka qeyb-galay munaasibadda Daahfurka Macadka Daraasaadka iyo Sahanka ee Hayaan.

Xafladaan oo ka dhacday hoolka shirarka ee jaamacadda PSU ee Garoowe ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro, aqoonyahan , dhalinyaro, haween , arday jaamaceed iyo masuuliyiin kale oo u soo diyaar garoobay ka qeyb-galka Daahfurka Macadka Daraasaadka iyo Sahanka ee Hayaan.

Macadkaan ayaa ah macad cilmibaaris islamarkaana falanqeynaya dhinacyo badan oo dhaqaaluhu qeyb-kayahay si loo ogaado caqabadaha iyo baahiyaha loo qabo in la helo dhaqaale miisaaman oo fadhiya.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa asaasayaasha Hayaan uga mahadceliyey dhismaha iyo abuuridda macadkaan , isagoona kula dardaarmay inay laba jibaaraan howsha adag ee ay bulshada u hayaan.

‘’ Hadii aan la helin cilmi-baaris ku salaysan deegaanka maba dhacdo in la helo horumar , Hayaan waxaan ku dhiirigelin qoraalada aad samaynaysaan ha noqdeen af-soomaali , luuqadaha kalana ku qora ‘’ Ayuu yiri Eng.Camey.

’ Yeynaan isku dayin in dimuqraadiyada reer Galbeedka dalkeena u soo rarno , laakiin aan la nimaano fakar ku salaysan diinteena islaamka , dhaqankeena iyo weliba siyaasadeena ‘’ Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiin Camey.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ugu dambeyn madaxda Macadka Daraasaadka iyo Sahanka ugu baaqay in umadda soomaaliyeed wax faa’iido iyo dan ugu jirta u keenaan islamarkaana cilmi-baaris ku sameeyaan 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com