Eng Camay: “Shirka Kismaayo dan uma aha umadda Soomaaliyeed” (dhegayso)

Eng Camay: “Shirka Kismaayo dan uma aha umadda Soomaaliyeed” (dhegayso)

Madaxwayne kuxigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camye oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland ayaa ku sheegay inay dan ugu jirin umadda Soomaaliyeed shirka Kismaayo ee madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada.

Waxaa uu ugu baaqay hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ee faderaalka inay wada hadlaan oo ay iska saaraan shekiga dhexdooda.

Shirka magaalada Kismaayo oo ay horay u iclaamiyeen madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada ayaa wararku ay sheegayaan in looga hadlayo go’aamadii iska soo horjeeday ee dowladda faderaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana soo jeediyay madaxwaynaha Jubaland.

Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa door ku lahayn arrimaha shirka Kismaayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com