
Isniin, September 14, 2015 (Daljir) —Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Cameya ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada ku qaabilay Madaxa ICRC u qaabilsan Somalia MR Jordi Raich Curco, iyo wafti uu hogaaminayo oo booqasho kuyimid magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.
Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland ayaa ugu horayn Madaxa ICRC u qaabilsan Somalia MR Jordi Raich Curco, kusoo dhoweeyey Puntland, wuxuuna bogaadiyey howlaha ay Hay’ada ICRC kawado Puntland.
Madaxa ICRC u qaabilsan Somalia MR Jordi Raich Curco ayaa dhankiisa ammaanay ammaanka iyo horumarka ballaaran ee kajira dhulka Puntland, wuxuuna bogaadiyey waxqabadka dowladda Puntland ee uu hogaamiyo madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isagoona balanqaaday inay sii kordhinayaan waxqabadkooda Puntland.
By: Abdrashiid
FAALLOOYIN & FALCELIN