Site icon Radio Daljir

El-Nino oo laga Cabsi Qabo in ay khasaare ka Gaysato Somalia

Talaado, Oktoobar 13, 2015 (Daljir) —Roobka dayrta ayaa ka da’ay qaar kamid gobolada Soomaaliya’ iyagoo dadka ay haysatay abaar iyo biyo la’aan laga soo sheegayo meelaha qaarkood.

Gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan  ayaa kamid ah meelaha roobka dayrtu ka da’ay’ waxaana beeralaydu ka cabsi qabaan in roobabku keenaan biyo kusoo fataha,iyagoo dhawaan Ha’yadda Samafalku ka dayriyeen fatahaado inay ka dhalan karaan roobabka deyrta oo loogu magac daray El nino.

Degmada Mahaday iyo degmada Balcad ayaa ka mid ah degmooyinka uu roobku ka da’ay’Waxaana dadka reer guuraaga ah haysatay abaar iyo biyo la’aan.

Dada deegaanadas ayaa sheegay in roobabka ay ku diirsadeen’ islamarkaana aysan jirin waxyeelo kasoo gaartay Roobka dadka deegaanka’balse waxay xuseen inay ka cabsi ka qabaan in wabiga shabeelle uu fatahaad sameeyo dadka waxyeelaysa.

Daljir.com

Exit mobile version