HomeUncategorized

Ehellusuna oo ka soo horjeestay shirka arrimaha gobollada dhexe ee ka furmay Nairobi (Dhegeyso)

Nairobi, October 23, 2013 - Magaalada Nairobi ee xaruunta dalka Kenya waxaa maanta ka furmaya shir balaaran oo looga hadlayo aayaha gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya, waxaana ka qayb galaya masuuliyiin kala duwan.

Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland oo ka hadashay siidaynta Markabka MV-leilla.
4 qof oo uu ka mid yahay nabadoon Yaasiin Cabdi Samad oo loo taxaabay xabsiga wayn ee magaalada Garowe.
Jarmalka oo Taageero Dheeri ah u ballan-Qaaday Soomaaliya

Nairobi, October 23, 2013 – Magaalada Nairobi ee xaruunta dalka Kenya waxaa maanta ka furmaya shir balaaran oo looga hadlayo aayaha gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya, waxaana ka qayb galaya masuuliyiin kala duwan iyo aqoon yahano.

Maamulka Ehellusuna ee ka taliya meelo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka ayaa ka hadlay qorshaha shirkaas ka socda magaalada Nairobi, waxaa ay sheegeen in aysan iyagu ka qeyb geli doonin isla markasna masuuliyiin ka joogin Nairobi.

Sheikh Cabdirisaaq Cali mire gudoomiyaha gollaha fulinta ee ururka Ehellusuna oo maanta la hadlay radio Daljir ayaa si buuxda uga soo horjeestay shirka ka socda Nairobi, kaas ?oo uu ku sheegay in uu yahay mid la isugu geeyey dhinacyo gaar ah.

Shirka oo muddo kooban soconaya waxaa ka qayb galaya masuuliyiin ka socda Galmudug, Xibin iyo xeeb iyo qaar ka mid ah maamulada Galguduud, waxaana soo qaban qaabisay wasaarada arrimaha gudaha ?ee Soomaaliya, deeq bixiyaal iyo xilibaano ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale jooga.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: Gudoomiye Cabdirisaaq Ashacari oo u waramay Jaamac Cabdiraxmaan oo daljir ka tirsan

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: