Ehellusuna oo ka digay weeraro ay al-shabaab ka fuliso gobollada dalka wakhtiga bisha Rammadaan.

Baardheer, July 10- 2013 – Maamulka Ehellu-suna waljamaaca ee ka jira qeybo ka mid ah gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa degniin culus ka jeediyey kooxda al-shabaab, xili haatan fooda lala galay bisha barakaysan ee Rammadaan.

Sheikh Isxaaq Mursal oo ka mid ah saraakiisha Ehellu-suna Waljamaaca? ayaa sheegay in kooxda al-shabaab ay in ta badan dhibaatooyin geysato wakhtiga Rammadaanka, wuxuu ka digay weerarada noocaasi ah oo inta badan khasaare badan geysta.

Wuxuu sheegay Sheikh Mursal in ciidamada ehellusuna iyo kuwa dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan gobollada Bay, Gedo iyo Bakool ay heegan kaga jiraan weerrarada gaadmada ah ee kooxda al-shabaab ay ka fuliso qeybo ka mid ah dalka.

Maamulka Ehellusuna waxay sheegeen in ay muhiim tahay isla markaasna ay ku baaqayaan in kooxda al-shabaab laga saaro meelaha ay ka joogaan gobolladaasi, arintan ayaa imanaysa xili kooxda al-shabaab ay joogaan deegano ka tirsan saddexdaasi gobol.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com