Site icon Radio Daljir

Eheladda Gabar Tacadi lagu geeystay Goldogob oo Wasaaradda Haweenka PL ka cabanaya (dhegayso)

Saxardiid Cabdulaahi Cismaan oo ah Aabaha dhalay gabar Labo sano ka Hor Tacaddi Kufsi loogu Geystay Goldogob ee Gobalka Mudug oo Radio daljr Xarunta Garoowe Saaka nagu soo booqday ayaa sheegay in dhibaatooyin farabaddan lasoo dariseen qoyskiisa tan iyo Markii dowladu soo dajisay Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Wuxuu sheegay in deeyn loogu Haysto Garoowe Gabadhiisana tahay dhibane Tacadi kufsi ah loo geeystay ,isago shegay in Wasaaradda haweenka Puntland ay ka gaabisay doorki ay ku lahayd Caawinta Qoyskan,waxaana uu tilmaamay in gabadha niyada laga galiyaay in dalka dibadiisa loo qaadayo maadama faquuq kala duwan dalka ay kala kulmayso.

Abaha dhalay gabadhan dhibanaha ah ayaa Fariin u diray Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas taas oo ku aadan in Wax loo qabto gabadhiisa.

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5aa66c9a03010018e10f0579/Waraysi_Saxardiid+Cabdulaahi.mp3?_=1
Exit mobile version