Eheladda Gabar Tacadi lagu geeystay Goldogob oo Wasaaradda Haweenka PL ka cabanaya (dhegayso)

Saxardiid Cabdulaahi Cismaan oo ah Aabaha dhalay gabar Labo sano ka Hor Tacaddi Kufsi loogu Geystay Goldogob ee Gobalka Mudug oo Radio daljr Xarunta Garoowe Saaka nagu soo booqday ayaa sheegay in dhibaatooyin farabaddan lasoo dariseen qoyskiisa tan iyo Markii dowladu soo dajisay Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Wuxuu sheegay in deeyn loogu Haysto Garoowe Gabadhiisana tahay dhibane Tacadi kufsi ah loo geeystay ,isago shegay in Wasaaradda haweenka Puntland ay ka gaabisay doorki ay ku lahayd Caawinta Qoyskan,waxaana uu tilmaamay in gabadha niyada laga galiyaay in dalka dibadiisa loo qaadayo maadama faquuq kala duwan dalka ay kala kulmayso.

Abaha dhalay gabadhan dhibanaha ah ayaa Fariin u diray Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas taas oo ku aadan in Wax loo qabto gabadhiisa.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Eheladda Gabar Tacadi lagu geeystay Goldogob oo Wasaaradda Haweenka PL ka cabanaya (dhegayso)”

  1. Ubah Abdullah Aden Ubah Warsame-Aden Drs Ubah Olol Mahad Abdule Ali Harare Abdulaziz Ali Ibrahim Xildhiban Abdulmalik Bodacadde Mohamed Yusuf Tigey

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com