Ehalada gabar dhaawac loo gaystay xubinteeda taranka oo Daljir uga waramay xaaladda gabadhaasi (dhegayso)

Ehalada gabar dhaawac loo gaystay xubinteeda taranka oo Daljir uga waramay xaaladda gabadhaasi (dhegayso)

Todobaadkii hore waxaa magaalada Bosaso ka dhacay fal lagu dhaawacay gabar 17- sano jir ah oo la sheegayo askari katirsan dowladda inuu isku dayay inuu kufsi u gaysto balse dagaal isaga iyo iyada dhexmaray ayaa sababay inuu bakoolad ku dhufto, kana dhaawaco xubinta taranka ee gabadhaasi oo iminka loo qaaday magaalada Muqdisho si xaaladeeda caafimaad loola tacaalo.

Kiiskaasi ayaa waxaa uu noqday mid siwayn ay uga xumaadeen guud ahaan dadwaynaha kuwaasi oo siyaabo kale duwan uga hadlayay baraha bulshada, hadaba Sheekh Axmed Macalin Maxamed oo ka mid ah ehalada gabadhaasi oo waraysi siiyay radio Daljir ayaa sheegay inay jirin wax talaabo ah oo ay qaaday dowladda Puntland si loosoo qabto ninka falkaasi ku eedaysan oo la sheegay inuu u baxsaday magaalada Garoowe.

Wariye Maxamud Cabdi Ibraahim ayaa Waraysigan ka Qaaday

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com