Site icon Radio Daljir

Duufaanta gobolka Alabama ee Mareykanka oo dishay 23 qof (Daawo)

Brittney Downs looks through the debris of a family member's destroyed home on Lee County Road 63 in Beauregard, Ala., Monday, March 4, 2019. Tornados ravaged the area Sunday causing multiple fatalities. (AP Photo/Julie Bennett)

Duufaanta ku dhufatay qaybo ka mid ah dalka Mareykanka ayaa sababtay dhimashada 23 qof, waxaana lagu soo waramayaa inay dad badana ay ku dhaawacmeen, kadib markii duufaan ku dhufatay gobolka Alabama ee Mareykanka.

Duufaano dhowr ah ayaa ku dhuftay gobolada Georgia, Florida , Alabama iyadoo cimiladu ay sii xumaanayso qaybo badan oo ka mid ah koonfurta dalka Mareykanka.

Duufaanta ayaa dadka ku geeriyooday waxaa ka  mid ah sadex carruur ah, sida masuuliyiinta gobolka ay sheegeen.

Waa duufaantii ugu khasaaraha badnayd ee ku dhufata Mareykanka tan iyo sanadkii 2013kii, xiligaasi oo duufaan ay ku geeriyoodeen gudaha Mareykanka 24 qof.

 

 

Hoos kadaawo warbixin.

Exit mobile version