Duufaano hor leh oo laga digayo

Hay’ado iyo ururo caalami ah oo ka shaqeeya dhanka banii’aadantinimada ayaa soo saaray digniino hor leh oo ku wajahan roobab duufaano iyo dabaylo wata oo kusoo fool leh xeebaha Soomaaliya.

Hay’adda Swalim ayaa sheegtay in duufaanada ay suurtagal tahay in 24-ilaa 48 saacadood ee soo socota ku dhufato Soomaaliya gaar ahaana deegaamada xeebaha Badda Cas sida gobolka Bari.

Duufaanta ayaa sidoo kalle saamayn ku reebi doonta wadanka Cuman deegaamada xeebaha kulaala.

Duufaan todobaadkan ku dhufutay Soomaaliya ayaa waxaa ku geeriyooday dad ka badan sodon qof, kuwaasi oo roobabkii dabaylaha watay, qaarna la tageena kuwana ay qaateen daadad ku dhuftay gobolada dalka.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com