Site icon Radio Daljir

Duqeyn diyaaradeed oo markale laga fuliyay deegaan ka tirsan gobolka Mudug (daawo)

Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in gantaalo lagu duqeeyay degaan u dhexeeya Qaycad iyo Hareeri Dheere oo ka tirsan gobolka Mudug.

“Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Amniga.

Duqeynta kadib ayaa la sheegay in ay weerar ay ku qaadeen deegaanka Hareeri Dheere ciidamada dowlada federalka iyo kuwa Maamulka Galmudug.

Exit mobile version