Site icon Radio Daljir

Duqayn diyaaradeed oo kadhacday Shabeelada dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada dhexe ayaa ku waramaya duqayn diyaaradeed inay ka dhacday deegaanka Basra oo katirsan gobolka Shabeelada dhexe oo ay ururka Al-shabaab kala wareegeen ciidamada militariga ee dowladda.

Wararka ayaa sheegaya diyaaradda inay duqaysay goob shir uu uga socday saraakiil katirsan Al-shabaab.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda duqaynta, inkastoo ciidamada Mareykanka todobaadkii lasoo dhaafay duqaymo ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish ka fuliyeen Soomaaliya.

Exit mobile version