Duqayn diyaaradeed oo ka dhacday bariga Bosaso

Duqayn diyaaradeed oo ka dhacday bariga Bosaso

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqayn diyaaradeed oo mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka oo taageeraysa ciidamada PSF ay ka gaysatay deegaanka Miraale oo 28km dhanka bari uga beegan magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya duqayntan inay timid kadib dagaal ku dhexmaray deegaankaasi Al-shabaab iyo Daacish labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Sida ay sheegayaan wararka deegaankaasi laga helayo duqaynta waxaa ku geeriyooday sideed ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana deegaanka oo buuralay ah la wareegay maalmo kahor Al-shabaab oo dagaal kadhacay kaga adkaatay kooxda Daacish.

Ciidamada PSF ee Puntland ayaa ku sugan iminka deegaankaasi, waxaana deegaankan uu ka mid ah meelaha sida dhuumaalaysiga ay uga bixi jireen tahriibka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com