Duqa Muqdisho oo soo bandhiga waxa uqabsoomay Maamulkiisa.

HomeWararka

Duqa Muqdisho oo soo bandhiga waxa uqabsoomay Maamulkiisa.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo marti ku ahaa barnaamijka Dood Furan ee ka baxa Te

Warka Fiidnimo Cabdiraxmaan Xudeyfi, Daljir Bossaso (dhegayso)
Agaasimaha Hay’adda Maamul Wanaaga iyo Ladagaalanka Musuqmaasuqa oo Daljir u Waramay (dhegayso)
Warka Fiidnimo, cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo marti ku ahaa barnaamijka Dood Furan ee ka baxa Telefeshinka Qaranka ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay maamulkiisa iyo halka uu hiigsanayo.

Guddoomiyaha ayaa marka hore ka warbixiyey xaaladaha amniga, horumarka la sameeyey iyo caqabadaha jira. Sidoo kale waxuu ka hadlay qorshaha uga dagsan dhinacyada amniga, isku-xirka bulshada, maamul wanaagga, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo Barakacayaasha.

Duqa Muqdisho ayaa u caddeeyey bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda in maamulkiisu uu diyaar u yahay xaqiijinta amniga, waxuna xusay in la bilaabay wadatashiyo ay shacabku qeyb ka yihiin oo amniga lagu sugayo. Isagoo intaas ku daray in la furay qaar kamid ah waddooyinkii xirnaa inta dhimanna dhowaan la furi doonno, si loo fududeeyo isku socodka magaalada.

Eng. Yarisow oo ka hadlayey soo celinta Bilicda Caasimadda ayaa yiri; “Si loo helo magaallo nadiif ah waxaan bilownay olole ballaaran oo qashinka lagu xaaqayo, balse baaxadda qashinka magaalada yaalla waxuu u baahan yahay wacyigelin iyo howl adag. Dhowaana waxaan keeni doonnaa qalab casri ah oo howshan qeyb ka qaata, waxaana rajeynayaa in bilaha dhow isbadel laga dareemi doonno bilicda magaalada”.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo ka hadlayay burburka jidadka magaalada ayaa xusay in dhismaha waddooyinku ay u leeyihiin mudnaan sare, si taas looga dhabeenaya bulshada Soomaaliyeed laga doonayo in kaalintooda ay qaataan. Iyadoo laga duulayo qorshaha isku tashigana bishii hore la bilaabay dhameystirka jidka Soddonka, uuna ku xigi doonno dhismaha jidka Liido. Sidoo kale waxuu sheegay in bisha Juun ee soo socota la bilaabayo waddooyinka xaafadaha (dhagaxa inter log) oo dhismahooda ay gacan ka geysanayso dawladda Jarmalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: