Duqa Muqdisho oo Madaxda Maxkamadaha G/Benadir kala hadlay horumarinta Caddaaladda Bulshada

Duqa Muqdisho oo Madaxda Maxkamadaha G/Benadir kala hadlay horumarinta Caddaaladda Bulshada

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo madaxda Maxkamadaha gobolka, gaar ahaan Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Benaadir Mudane Aweis iyo Guddomiyaha Racfaanka Gobolka Benaadir Mudane Salah ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa adeegyada ay u hayaan maxkamaduhu bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda.

Eng. Yarisow ayaa si aad ah uga hadlay arrimaha dhulka, sheegeyna in loo baahanyahay in loo cadaalad falo dadka saxda ah, halka kuwa been abuurka wadana loogu baahanyahay in meel looga soo wada jeesto oo si adag loola xisaabtamo, bacdamaa ay danbi tahay in dokumenti been abuur ah la sameysto.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in maamulkiisu uu ahmiyad gaar ah siinayo horumarinta caddaaladda oo qayb weyn ka qaadan karta nabadgalyadda, horumarka dhaqaalaha iyo kalsoonida bulshada dhexdeeda.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay idinka sugayaan garsoor cadaalad ku dhisan, waxaan idin ku boorinayaa inaad sharciga ku dhaqankiisa horseed u noqotaan oo bulshada si siman oo caddaalad ah loogu adeeggo, gaar ahaan arrimaha dhulalka la isku heysto, isla markaana aad iska dhega tirtaan cid walba oo dooneysa in sharciga la hareer maro. Waddankan si uu horumar u gaaro, waxuu u baahan yahay caddaalad, idinkuna kaalin weyn ayaad ku leedihiin sidii caddaaladda loo dhaqangelin lahaa”. Ayuu yiri G. Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha ayaa sheegay ujeedka kulankani inuu yahay sidii loo yeelan lahaa iskaashi buuxa, isla markaana loo dhowri lahaa waajibaadka ka saaran ilaalinta shacabka iyo dadka nugul .

Maamulka cusub ee hoggaamiyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Yarisow ayaa ka shaqeynaya sidii loo heli lahaa nidaam garsoor casri ah oo baahidda bulshada Soomaaliyeed buuxiya, iyadoo la dhowrayo xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com