Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa la kulmay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulankan ayaa ka dhacay Xarunta Safaarada Mareykanka ee ku taal Xerada Xalane ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta wada shaqeynta maamulka Gobolka Banaadir iyo safaarada Mareykanka, Iskaashiga amniga Caasimadda, taageerada mashaariicda horumarineed, arimaha barakacayaasha iyo shaqa abuurka.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto ayaa u balan qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed ( Cumar Filish) in uu maamulkiisa ku garab istaagi doono barnaamij kaste oo lagu horumarinaayo Caasimada Muqdisho.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com