Duqa Muqdisho oo la kulmay Danjireyaasha dalalka Islaamka u fadhiya Soomaaliya (Sawiro)

Duqa Muqdisho oo la kulmay Danjireyaasha dalalka Islaamka u fadhiya Soomaaliya (Sawiro)

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) oo xalay afur sharafeed u sameeyey Danjireyaasha dalalka Islaamka u fadhiya Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sharaxaad ka siiyey Danjireyaasha qorshaha Maamulkiisa iyo wax-yaabaha uu hiigsanayo, si loo gaaro xasillooni iyo dib-u-dhiska Caasimadda, isagoo intaas ku daray in waqtigan muhiimka loo baahan yahay taageero walaaltinimo si Caasimaddu ay ula soo noqoto kaalintii ay ku lahayd Caasimadaha kale ee Caalamka.

Duqa Caasimadda oo kulanka ay ku weheliyeen Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Qaranka, Hay’adaha OIC iyo Islamic Relief iyo qaar kamid ah Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa Danjirayaasha ku ammaanay doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaateen gacan siinta shacabka, waxayna tilmaameen muhiimadda ay leedahay in lasii xoojiyo wadashaqeynta iyo garab istaagga bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Eng. Yarisow waxuu sheegay in ujeedka kulankani uu yahay mahadcelin loo sameynayo Safiirrada dalalka Islaamka oo door muhiim ah ay wadamadoodu ka qaatay taageerada shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin, gaar ahaan dhinacyada amniga, Banii’adamniada iyo horumarinta Caasimadda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NUURKANEDERLAND 4 weeks

    D I G N I I N.
    —————.
    WHO REALY IS ISIS!?.
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    ISIS LEADER ABUBAKR ALBAGHDADI EX NAME (ELLIOTE SHIMON)100% HE WAS MOSSAD AGENT & ISRAELIAN CITIZEN.
    ISIS ISN’T MOSLIMS,SURE.
    ISIS WORK=GREATER ISRAELI PROJECT & PLANS.
    ARGAGAXISO OO OO DHAN WAXAY HOOS TAGTAA WASHINGTON DC & TALAVIVE.
    ALWAYSE PAPER & TOILET PAPER