Duqa Muqdisho oo Goryahooda dib ugu celiyaay  Qoys danyar

HomeWararka

Duqa Muqdisho oo Goryahooda dib ugu celiyaay Qoys danyar

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ku qaabilay xafiiskiisa qoys danyar ah oo gurig

Daljir & BBCMA: Baraarugga Haweenka – Taxanaha 8aad (Xaawo Axmed iyo Maxamed Xasan Dhalo – dhegayso)
Shirkadda Samaynta Mac_ Macaanka ee Xalwo Kismaayo (Sawiro)
Saaka & Dunida iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ku qaabilay xafiiskiisa qoys danyar ah oo gurigooda si xoog ah damcay in looga saaro.

Qoyskan ayaa ka cabanayey takrifal ay u gaysteen shakhsiyaad doonaya in ay si sharci darro ah ula wareegaan guriga qoyskan.

Guddoomiyaha Gobolka oo dhageystay cabashada qoyskan ayaa u xaqiijiyey in gurigooda aan cidna xoog uga saari karin una ballanqaaday in loo dayactirayo gurigooda oo uu maamulka Gobolka Banaadir amnigooda sugayo.

Duqa Muqdisho ayaa Xeer Ilaalinta Qaranka u gudbiyey shaqsiyaadka lagu eedeeyey inay jir-dil u geysteen qoyska iyo hanjabaad, si loo hor geeyo Maxkamadda Gobolka Banaadir, sharcigana lala tiigsado shaqsiyaadkan la soo eedeeyey.

Guddoomiye Yarisow waxaa uu Laanta Danbi Baarista Booliska Soomaaliyeed (C.I.D) ku wargeliyey in ay baaritaan ku sameeyaan waxyeellada nafeed iyo hantiyeed ee loo goystay qoyskan, sharcigana la hor keeno dhammaan ciddii ku lug yeelata tabashooyinka ay sheeganayaan.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu faray Maamulka Degmada Xamar Weyne in ay sugaan amniga qoyskan, muddada uu baaritaanku socdo, maadama ay soo gudbiyeen jirdil iyo handadaad horey loogu geystay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: