Duqa Muqdisho oo Ankara kula kulmay Madax Kala duwan

Duqa Muqdisho oo Ankara kula kulmay Madax Kala duwan

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga ayaa kulamo la qaatay Xoghayaha guud ee dwladaha Hoose ee Turkiga iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiye Yarisow oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Marwo Basma Caamir Ahmed, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Danjire Jaamac Abdullahi Ceydiid iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan gaar ah la yeeshay Xoghayaha guud ee Dawladaha Hoose Turkiga Hayrettin Gungor.

Waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta magaalada Muqdisho.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “ Eng Yariisow “ ayaa la kulmay madax ka tirsan Hay’adda bisha Cas ee Turkiga iyo waaxda dhismaha jidadka u qaabilsan magaalada Ankara oo dhammaantood ay isla soo qaadeen horumarinta Muqdisho.

Wafdiga guddoomiyaha waxaa ka mid ah xubno ka tirsan maamulka gobolka, Ganacsato iyo howl wadeeno, waxana inta uu joogo Turkiga uu xoogga saari doonaa, sidii ganacsatada dalkaas ay u maalgashan lahaayeen gobolka banaadir, xoojinta xiriirka Muqdisho ay la leedahay magaalooyinka dalkaas, dar dar gelinta arrimaha iskaashiga,tababarrada, tayeynta shaqaalaha gobolka banaadir iyo isdhaafsiga khibradaha maamul ee labada dhinac.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Nuurkanederland 6 years ago

    TURKIGU WAA WALAALKA & SAAXIIBKA KALIYA EE SOMALI LEEDAHAY.
    MA ILAAWI DOONO GURMADKII 2011 & 14/10/2017 Q.ZOOBE.
    THANK YOU ORDIGAN & AK PARTI.
    CARABINA WAA BIRIIJKA AY USOO MAREEN USA & UK BURBURINTA SOMALIYA.
    CARABI WAXAY NOQOTAY XAAS MARAYKAN QABO.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com