Duqa Muqdisho iyo Madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka wada hadlay Xoojinta xiriirka labada dhinac

Duqa Muqdisho iyo Madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka wada hadlay Xoojinta xiriirka labada dhinac

-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM, Sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire la yeeshay kulan ku aaddan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa Gobolka Benaadir iyo AMISOM.

Kulankan oo ka dhacay xarunta dawladda Hoose ee (Xamar) ayuu Guddoomiye Yarisow ku ammaanay Midowga Afrika doorka ay ka ciyaartay horumarka iyo ammaanka Caasimadda. Waxaa kaloo intii uu kulanku socday lagaga hadlay ka bixitaanka AMISOM ee Stadium Muqdisho oo dhallinyaradu u baahan tahay, si loogu qabto ciyaaraha gobollada ee soo socda.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo xubin ka ah Golaha Amniga Qaran ayaa AMISOM ka codsaday in la dardargeliyo howlgallada xoreynta labada Shabeelle taas oo muhiim u ah xasilloonida amniga Caasimadda.

“Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM waxay naftooda u hurayaan inay nabadda iyo noloshii caadiga ahayd dib ugu soo celiyaan dalka, waana uga mahadcelinaynaa kaalintooda muhiimka ah, kulankanna waxuu dhabaha u xaarayaa in aan si wadajir uga shaqeyno amniga iyo horumarka magaalada Caasimadda ah oo ka soo kabanaysa dhibaatooyinkii dagaalladu reebeen”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay garab istaagaan Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Benaadir si ay gacan uga geystaan dardargelinta hannaanka xasilinta iyo in dalka dib looga hirgeliyo nabad waarta iyo amni.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com