Duqa magaalada Boosaso oo xarigga ka jaray laamiyo cusub (Daawo Sawirro)

Bosaso, Aug 02 – Maamulka degmada Boosaaso ayaa maanta xarigga ka jaray laamiyo cusub oo lasaaray laba waddo oo ka mid ah wadooyinka magaalada Boosaaso.

Munaasabad ay kasoo qaybgaleen maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo guddi isku xilqaamay horumarinta magaalada Boosaaso ayaa kadhacday xarunta dowladda hoose ee magaalada Boosaaso.

Waxaa munaasbadda lagu faahfaahiyay wadooyin afar ah oo sanadkii 2011-kii maamulka degmada iyo guddiga horumarinta Boosaaso ay u caleemadeeyeen in lasaaro laami,taasi oo siweyn wax ugu soo kordhin doonta  bilicda guud ee magaala xeebeedka Boosaso.

Duqa degmada Boosaso Xasan Cabdalle Xasan oo munaasbadda ka hadlay ayaa sheegay in lagu guulaystay laami in lasaaro laba waddo oo dhererkoodu yahay 2.5km ,.qarashka ku baxay samaynta laamiga ayuu kusifeeyay gudoomiyaha laba boqol oo kun doolarka Mareykanka ah.

Waxaa sidoo kalle uu xusay inay hagaajiyeen burburka qaybo ka mid ah wadada laamiga ee Boosaaso masaafo dhan 1.5km iyo wadada  Baalade oo dowladda hoose ay furtay 3km iyo 800m,wadadaasi ayaa ahayd mid marin muhiim u ah gaadiidka, hasse ahaatee burbur wadadaasi ka jiray gaadiidku horay u ma’ aysan isticmaali jirin.

 Guddoomiyaha Gudiga Horumarinta Degmadda Bosaso Gen. Cali Ismaaciil oo isagu madax u ah  aqoonyahano iyo ganacsato ku bahoobay iskaashiga hormarineed ee degmada Bosaaso ayaa isaguna siweyn ugu mahadceliyay shirkadihii ganacsiga iyo shaqsiyaadkii guddiga usoo dhiibay lacagaha lagu dhisay qaybo ka mid ah wadooyinka magaalada Boosaso.

Waxaa uu tilmaamay arintan inay faa’iido wayn ugu jirto guud ahaan shacabka, loona baahanyahay dadaalka in lasii waddo inta guusha ugu dambaysa laga gaarayo howlaha horumarineed ee haatan socda.

C/fitaaq Jaamac Sugule oo ka tirsan Guddiga Horumarinta Bosaso, oo faahfaahin ka bixiyay lacagta ku baxday dhismahan ayaa sheegay lacagta inteeda badan guddigu ka soo ururiyeen ganacsatada iyo shaqsiyaad ku sadaqaystay, waxaana uu si gaar ah u xusay shirkada Isgaarsiinta Golis oo uu sheegay inay bixisay lacagtii ugu badnayd ee lagu yabooho mashruucan

“ Wadada Gaaca oo dhererkeedu yahay 1400 oo mitir, lagana dhigay laami, Waxaa ku baxay lacag dhan $106,869.6 ( Boqol iyo Lix kun iyo Siddeed boqol oo dollar), Guddiga Horumarinta waxay bixiyeen Toddobaadkan Kun oo dollar, Dowladda Hoose ee Bosaso iyo Mashruuca JPLG waxay bixiyeen 37 kun oo dollar. Wadadii Hore Laamiga ee la dayactiray dhererkeedun yahay 1150 Mitir, waxaa ku baxay lacag dhan 102 kun oo dollar oo oo 54 kun oo dollar ay bixiyeen Ganacsatadu, Halka inta kale ay bixiyeen Mashruuca JPLG iyo Dowladda” ayuu yiri Md.Sugulle

Dowladda hoose iyo Guddiga Horumarinta Bosaso waxaa kaloo sheegeen in bisha Ramadaan kadib ay u qorshaysan tahay bilaabida dhismaha wado dhererkeedu yahay 2400 mitir oo ay ku bixi doonto 160 kun oo dollar, Wadadaas oo laga hirgalin doono bariga magaalada Bosaso gaar ahaana agagaarka shirkadii hore ee NETCO.

Gabagbadii munaasabadda, dowladda hoose ee Boosaaso ayaa shahaado sharaf gudoonsiisay shirkadaha ganacsiga iyo dadkii ka qaybqaatay ololaha lacagaha loogu aruurinayay horumarinta magaalada Boosaaso.

Diiwaanka Wararka

Daljir Bosaso.

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com