Duqa Garoowe oo Mooshin laga Gudbiyeey iyo Buuq hareyaay Kalfadhigii Golaha degaanka (dhegayso)

Magaaladda Garoowe waxaa ka furmay Kalfadhigii 24-aad ee Golaha deegaanka degmada Garoowe oo sanadkiiba 2 jeer la qabto ayaa waxaa kasoo qayb galay golaha deegaan degmada iyo masuuliyiin ka socotay dowlada Puntland.

Kalfadhiga ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo is qab qabsi ka dhex dhashay xildhibaanada golaha deegaanka oo qaarkood ay mooshin ka soo gudbiyeen Duqa Caasimada .

Xildhibaanada mooshinka keenay oo sheegay inay gaarayaan 20 xildhibaan ayaa waxa ay sheegeen inay xilka ka qaadeen gudoomiyaha inkastoo uusan jirin cod aqlibiyad ah loo loo qaaday, marka laga reebo hadalka xildhibaanada.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdullaahi Timacadde ayaa sheegay in xildhibaanada golaha deegaanku ay xaq u leeyihiin inay mooshin ka keenaan gudoonka degamda haseyeeshee ay lagama maarmaan tahay inay ilaaliyaan xasiloonada xildhibaanada iyo degnaanshaha deegaanka iyo guud ahaan Puntland.

Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Garoowe ee mooshinka keenay ayaa sheegay inay gudoonka ku haystaan arrimo xil gudasho la’aan ah iyo dibudhac ay sheegeen inuu kuyimid shaqooyinkii golaha deegaanka iyo guud ahaan dowladda hoose.

Warbixin Waxaa Kulanka Maanta kadiyaariyeey Wariye Axmed sheekeye oo Garoowe jooga


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com