Duqa degmadda Gaalkacyo oo kala wareejiyeey Gadiid lakala haystay (Sawiro)

Duqa degmadda Gaalkacyo oo kala wareejiyeey Gadiid lakala haystay (Sawiro)

Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Eng Maxamud Cabdinuur Aden oo maanta gaaray Deegaanka Bacad-wayn ayaa u tagay si u kala wareeji Gaadiid mudooyinkii Dambe lagu kala haystay Magaalooyinka Caabud-waaq iyo Bacad-wayn .

Gudoomiyaha Degmada Oo ay wahelinayaan , Odayaasha dhaqanka , Ganacsato Gaadiid looga haysto Cabud-waaq iyo Gudoomiyaha Deeganka Bacadwayn ayaa ku wareejiyay Darawalkii waday gaariga lagu haystay Deeganka Bacadwayn ee Degmada Gaalkacyo , Madaaba si lamid ah Maamulka Galmudug , odayaasha dhaqanka ay iyaguna ku guulaysteen in ay siidaayen Gaariga kale ee Magalada Caabudwaaq horey lagu haystay .

Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Eng Maxamud Cabdinur Adan ayaa Odayaasha dhaqanka Uga Mahad-celiyay sida ay doorka muhiimka uga qateen arinta Gadiidkan lagu kala haystay Deeganada Ceebud-waaq iyo Bacadwayn .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com