Duqa cusub ee degmada Gaalkacyo Yaasiin C/samad oo xilkii la wareegay (dhegayso)

Duqa cusub ee degmada Gaalkacyo Yaasiin C/samad oo xilkii la wareegay (dhegayso)

Duqa cusub ee degmada Gaalkacyo Yaasiin C/samad  ayaa xilikii kala wareegay duqii hore ee degmada  Maxamuud Yaasiin Tumey .

Munaasibada xilwareejinta ayaa  ka dhacday hoolka dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo , waxaana ka soo qaybgalay mas,uuliyiin ka tirsan dowladda, siyaasiyiin , aqoonyahano, iyo waxgarad .

 

Duqii hore ee degmada Gaalakcyo Maxamuud  Yaasiin ayaa ka warbixiyay mudadii uu xilka hayay wax yaabihii uqabsoomay oo ay ugu horaysay amniga magaalada iyo heshiiskii maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dhankiisa duqa cusub Yaasiin C/samad ayaa waxa uu goobta ka balan qaaday in howsha harsan uu halkeedii ka sii wadi doono ,isagoo ubalan qaaday shacabka magaalada Gaalkacyo in uu la iman doono qorshe yaal lagu horumarinayo magaalada Gaalkacyo , iyadoo lala tashanayo bulshada qay baheeda kala duwan.

Dhegayso.

 

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com