Dugsiyada Sare ee Bossaso iyo Cumar Samatar Galkacyo oo caawa ku tartamay miiska aqoonta ee Daljir. [Akhris …]

Bossaso, Sept 07 – Dugsiyada sare ee kale ah Bossaso secondry iyo Cumar samatar Galkacyo ayaa caawa ku farafootamay barnaamijka Tartan iyo Tacliin ee ay waddo idaacadda Daljir, kaasi oo socday intii lagu jiray bisha barakeysan Ramadaan.

labada dugsi sare ayaa sidii caadada aheyd la weydiiyey midkiiba 8 su’aalood, waxaana Cumar Samatar Galkacyo uu ka jawaabay 4 ka mid ah su’aalahaasi waxaana uu helay 8 dhicood, halka Bossaso Secondry uu isna ka jawaabay 4 ka mid ah su’aalahaas iyo hal dhibic oo ka faa’iideysi ah waxaana uu helay 9 dhibcood sidaasi ayaana guushu ku raacaday Bossaso Secondry sida uu ku dhawaaqay Garsooraha Barnaamijka ahna madaxa waxbarashada ee dalladda dugsiyada sare ee Puntland C/laahi Cali Xuseen.

Bossaso secondry ayaa noqonaya dugsigii sadexaad ee u soo baxa wareegga sadexaad ee barnaamijka Tartan iyo Tacliin ee ay qabatay idaacadda Daljir iyadoo wareega labaadna uu wali socdo iyadoo habeen dambana ay tartami doonaan Gaarisa secondry Bossaso iyo Sheekh Cusmaan secondry Qardho.

Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo idaacadda daljir ugu talagashay bisha barakeysan ee ramadaan ayaa loo qabtay 24 dugsi sare oo ku kale yaalla magaalooyinka Bossaso, Carmo, Qardho, Garoowe, Burtinle iyo Galkacyo oo ah dhamaantoodba magaalooyin ay ka hawlgasho idaacadda daljir, waxaana barnaamijka maalgalineysa shirkadda isgaarsiinta ee Golis Telecom Somaliya, halka dalladda waxbarashada PL ay ka qeyb qaadaneyso.

Axmed Sheekh Maxamed (Tallman)
Idaacadda Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com