Dugsiyada Imaamu Nawawi Garoowe iyo Gambool oo u tartamay kaalinta sadexaad ee barnaamijka Tartan iyo Tacliin

Bossaso, Aug 16 – Dugsiga sarre ee Gambool Garoowe iyo Imaamu Nawawi Garoowe ayaa xalay u tartamay kaalinta sadexaad ee baarnaamijka Tartan iyo Tacliin oo dhowaan lasoo gabagabeeyay wareegiisii ugu dambeeyay.

Dugsiga Gambool Garoowe ayaa ku guulaystay inuu kaalinta sadexaad ka gallo barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo ciiddul Fidriga kadib loo tartami doono koobka sanadkan oo ay fiinalahiisa usoo baxeen dugsiyada Al-Nuur Baran iyo Al-Najax Bosaso.

Dugsiga Imaamu Nawawi Garowe oo la waydiiyay lix su’aalood ee barnaamijka ayaa waxaa uu ka jawaabay afar su’aal, ka faa’iidaysi waxaa uu u helay 1-su’aal, waxaa sidaasi uu ku helay 9-darajo.

Dugsiga sare ee Gambool Garoowe oo la waydiiyay lix su’aalood ayaa ka jawaabay shan su’aal waxaa uu qalday hal su’aal, waxaa uu ka faa’iidaystay laba su’aal gudiga barnaamijka? ayaa ku dhawaaqay Gambool Garowe inuu helay 12-darajo islamarkaana uu ku guulaystay kaalinta sadexaad inuu ka gallo dugsiyada barnaamijka Tartan iyo Tacliin ku tartamay.

Al-Najah Bosaso iyo Al-Nuur Baran oo usoo gudbay fiinalaha ama tartanka kama dambaysta barnaamijka ayaa tartami doono kadib marka laga baxo ciida barakaysan ee Ciidul Fidriga.

Yaasiin Maxamed Cali

Radio Daljir, Bossaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com