Dr. Sadiq Enoow: “Imaaraadku waa horor duullaan ku ah dekadaha Soomaaliya si uu u difaaco dekadihiisa”

Dr. Sadiq Enoow: “Imaaraadku waa horor duullaan ku ah dekadaha Soomaaliya si uu u difaaco dekadihiisa”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Datoor Saadiq Enow, ahna qoraa taxliiliya siyaasadda caalamka, gaar ahaanna tan Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Radio Daljir waxa uu kaga hadlay wadahadalka la sheegay in uu u socdo dawlaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyo hadalkii Madaxweynaha Puntland ee ahaa in aan waxba iska badalin xiriirkii Puntland iyo Imaaraadka Carabta, ayna sidoodii u socdaan mashaariicdii Imaaraadku ka wadeen deegaanada Puntland.

Datoor Saadiq Enow ayaa dalka Imaaraadka ku tilmaamay horor dullaan ku ah dekadaha Soomaaliya si uu u difaaco dekadihiisa, halka madaxda Soomaalidana uu ku sifeeyey hoggaamiyeyaal ku fashilmay hawshii loo igmaday.

Datoor Enow waxa uu u warramay Axmed Shiikh Maxamed Tallman oo ku sugan Istudiyeheenna Daljir Bosaso.

Hoos ka dhegayso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 5
  • Luuban 6 years ago

    Sadiiq Enow haddii uu doctor yahay, maxuu ugu shaqeysan waayey waxii uu soo bartay oo uu dadkiisa iyo jeebkiisa uga faa’iideyn waayey. Doctors ajanabi ah baa ka shaqeysata Puntland. President Abdiwali Gaas baad Wasiir u soo noqotay waadna la dagaashey. Maantana naceyb aad Gaas u qabto ayaad kula saarey Qatar iyo Turkey maxeey noo qabteen… Saadiq Eenow waa nin xagjir aaminsan oo in la waraysto ku habooneyn in jail uu ku jiro ayey aheyd. Kii naftiisa dar yeela, baa mid kale ku dara. Waa Doctor lagu qasaarey. Looser Big LOOSER

  • Dr Saadiq enow waxaa uu la saftay Qatar & Turkey oo wax xiriir ah dhanka amniga, ganacsi & horumarka  Puntland waxaase xajiib ah in uu taariikh & waa ceeb ku warwareegayo lkn lkn uusan Facts ka hadlayn!

  • Anti yariisoow 6 years ago

    Hadii aad kahortimi horumarka
    Puntland ee supportigaagu noqday
    Qof u burburi danta GUUD bro
    Mafiicna WAA 49 sano ee puntland
    Waxa koofur kasocdaa markhaati aan
    U ahayn lagasoo bilaabo 1969 ilaa
    2018 soo jeeso xaqiiqdana kahadal
    Bro bal yeeynan eegin oo keliya
    Hebel, 28 years marag MA ahaankaro
    Mr. ee danta guud kashaqee tan
    Gaarana awoodaada Sara, dacaayadaha liita ee dadku qoraana
    Ha u boxin dantuba waa ay soo gaabin

    • Abti yariisoow 6 years ago

      Reer puntland ina keena danta good, BAL aan adkayno midnimadeena gaar.
      Hadii Ay suuragal tahay, hooy bur but dan inooma aha iyo qof kale u
      Hadalkii miiska hala isugu yimaado

  • SaadaqEebow: haduu siyaasada saa u fahmay waayo Arag wayn Maaha ciidamada puntland haduu u diidan yahay imaaradka inuu tababarsiiyo mushaharna siiyo saadaq eebow siyaasad xumuda ka daa puntland kuuma baahna kumana taqaan waanu ognahay waxaad rabto inaad ganacsado Amaana hesho raga xabada kugu jira ee maalin walba ku dhimanayana inaad tiraa dameer dhintay saadaq eebow nacasnimada kala aamus saxaafada imaarad anagaa u baahan isaga inooma baahna Marka ogsoonow siyaasada dhinacay u socoto aduunku wuxuu u heshiiyay inaad Ebad dawladnimo helin adigana sal & baar baanu kuu naqaan inaad xagjirka taageerto aadna Aaminsan tahay

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com