Dowladdaha Soomaaliya & Tunisiya oo Xirirkooda si adkaynaya

Dowladdaha Soomaaliya & Tunisiya oo Xirirkooda si adkaynaya

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Tunisia, Mudane Cismaan Al-Jarandi.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Tunisia kaalinta fir-fircoon ee ay ka qaadaneyso difaacidda danaha Carabta iyo Afrika marka la joogo Golaha Ammaanka oo ay Tunisia ka tahay xubin aan joogto ahayn.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda Tunisia ayaa sheegay in dalkiisu taageeraayo geedi socodka siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com