Dowladdaha Soomaaliya & Itoobiya oo heshiis kala saxiixday

Dowladdaha Soomaaliya & Itoobiya oo heshiis kala saxiixday

Dowlaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis ganacsi oo ah isdhaafsiga jaadka laga beero dalka Itoobiya iyo kalluunka xeebaha Soomaaliya laga soo jilaabo.

Wasiirada wasaarada Kalluumeyisiga iyo Kheyraadka badda iyo wasiirka Gaadiidka ayaa dhinaca Soomaaliya uga qeybgalay munaasbadii lagu kala saxiixanayay heshiiska halka dowlada Itoobiyana uu ka socday Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa ganactada labada dal u oggollaanaya in ay badeecadooda sida Jaadka Itoobiya iyo Kalluunka Soomaaliya is-dhaafsadaan.

Munaasabada heshiiskan lagu daahfurayay oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta markii ugu horeysay laga dhoofiyay illaa 5000 oo tan oo kalluun ah.

Heshiiska labada dal ee wax is dhaafsiga ayaa ku soo beegmay xilli dowladaha Soomaaliya iyo Kenya uu xiriirkoodii soo wanaagsanaanayo iyadoo shalay uu soo gaaray caasimada dalka safiirka Kenya u fadhiya dalka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com