Site icon Radio Daljir

Dowladdaha Somaaliya iyo Marooco oo Heshiis Kala Saxiixday (dhagayso/Sawiro)

Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey oo shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay shir uu uga qeybgalay dalka Maroco isaga iyo wafdi uu hoggaaminaya.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkaasi oo ahaa mid looga hadlayay horumarinta maamulka iyo dib u dhiska,tayaynta shaqalaaha iyo qodobo kale uu guul ku soo dhamaaday,isagoo xusay in shirkan sanad leh ah oo kiisi 54-aad oo ah madal ay ku midaysan yihiin wadamada Afrika,ay ku soo balanqaadeen in Soomaaliya ay bixindoonto qaaraan sanadeedka dalkasta oo xubin ka ah laga rabo,maadaama Soomaaliya muddadii uu dalka burbursanaa aanay qeyb ka ahayn.

Warbixintan Muqdisho waxaa kaso diray Wariye Cabdiraxmaan Waaberi

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5b37a5930201007a50bebf44/Warka+Wasiirka+Howlaha+Guud+oo+ka+warbixiyey+Shirkii+Dalka+Marooko+ay+kaga+qeyb+galeen+by+waaberi.mp3?_=1

Exit mobile version