Dowladda Xasan Shekh oo laga Dalbaday in ay baaritaan ku samayso Musuq-maasuqa shirkada Soma Oil

Khamiis, Ogoosto 06, 2015 (Daljir) — Guddoomiyaha Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Somalia iyo Eritrea, ahna Danjiraha dowladda Venezuela u jooga QM, Rafaa’eel Ramirez ayaa ugu baaqay Dowladda Federalka inay bilaabaan baaritaanka Musuqa Shirkadda Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalka Britain iyo Wasaaradda Batroolka ee Somalia.

Qoraal qabyo ah oo uu soo saaray Rafaa’eel Ramirez ayaa lagu shaaciyey inay jiraan caddaymo ku aadan inay Shirkadda Soma Oil and Gas lacago siiyeen dhowr Shaqaale ka tirsan Dowladda Somalia, oo ku aadan Qandaraaskii ay labada dhinac saxiixdeen sannadkii 2013-kii.

Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP oo araagtay qoraalka Guddiga QM ayaa waxaa Dowladda Somaalia looga codsaday inay sida ugu dhaqsaha leh u bilowday baaritaanka, lana soo caddeeyo shaqsiyaaadka lagu helo inay dhaceen Kheyraadka Ummadda, kuna xadgudbay cunaqabatanta saaran Somalia.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxaa laga sugayaa inay Shir Gaar ah ka yeeshaan Warbixinta Guddiga Cunaqabataynta, isla markaana Go’aan Cad soo saareen ka hor inta aan la gaarin bishan August 10-da.

Xafiiska Britaain ugu qaabilan Ka-hortaga Musuqa (SFO) ayaa bilaabay baaritaanka Eedeymahaasi, waxayna Kulan Hordhac ah la yeelan doonaan Guddoomiyaha Shirka Soma Oil and Gas, Michael Howard.

Waxa uu horey u beeniyey inay Shirkadda Soma Oil and Gas wax qalad ah sameeyeen, isla markaana ay Guddiga QM si qaldan uga fahmeen kharajka la siiyey Saraakiisha ka tirsan Wasaaradda Batroolka ee Somalia.

Sannadkii 2013-kii ayey Shirkadda Soma Gas and Oil ku guuleysatay Qandaraas lagu sahminayo Xeebaha Bariga iyo Bartamaha Somalia, iyadoo 12 goobood la sheegay in laga helay shidaal iyo gaaska dabiiciga.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com